Prof. Dufle Oo War Ka Soo Saaray Qarax Uu Ka Badbaaday

 

08-11-2020

 

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday gaarigiisa, abaarihii xalay fiidkii.

Gaari uu la socday Prof. Dufle oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka iyo Dabka, waxaana qaraxa ku dhaawacmay labo katirsan Ilaaladiisa.

“Alle mahadiisa waa ka badbaaday waa bad qabaa, balse nasiib darro waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ahaa ciidankii ila socday oo lagu daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaa alle uga baryeynaa inuu caafimaad degdeg siiyo”ayuu yiri Prof. Dufle.

Qaraxyada miino ee la dhigo waddooyinka ayaa ku soo kordhayay Magaalada Muqdisho, waxaana dhowr cisho ka hor qarax lala eegtay gaari uu la socday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Duraan Faarax. – Jowhar News

Leave a Reply