Musharaxiinta U Taagan Madaxweynaha Soomaaliya Oo Qaadacay Ka Qeyb-Galka Doorashada

 

08-11-2020

 

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa War Cusub kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo lagu heshiiyay in waqtigii loogu tala-galay ay ku dhacdo.

Qoraal kasoo baxay Musharaxiin dhowr ah ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen Shaqaale Dowladeed iyo Saraakiil Ciidan oo katirsan NISA.

Musharaxiinta Qoraalka soo saaray ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale.

“Waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, Mabaadii’da Dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo Mabaadii’da Guud ee Matalaadda Shacabka” ayuu lagu yiri Qoraalka.

Madasha Xisbiyada Qaran oo xalay soo saaray Qoraal ayay ku Cambaareeyeen Guddiyada Doorashada Heer Federaal, iyagoona sheegay in Xubnaha Guddiga ay katirsan yihiin Hay’addaha NISA iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka, taasina ay baalmarsan tahay Shuruucda u yaalla dalka.

Hoos Ka Akhrsio Qoraalka Ay Soo Saareen Musharaxiinta.

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply