Xisbiga Wadajir Ee Uu Hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Walaac Ka Muujiyay Guddiyada La Magacaabay

 

07-11-2020

 

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay walaac uu ka qabo guddiyada doorashada ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya & kuwa ka yimid Dowlad Goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in kalsooni dari xoogan ka muujinayaan inta badan xubnaha la magacaabay ee Guddiyada Heer Federaal iyo Dawlad Goboleed.

Sidoo kale, Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in, inta badan Xubnaha Guddiyada la Magacaabay ay katirsan yihiin Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya halka qaarkood laga soo xulay Taageerayaasha Baraha Bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, sidoo kalena Aflagaadeyn jiray Xubnaha Mucaaradka.

Ugu dambeyn Xisbiga Wadajir ayaa ku baaqay in dib loogu noqdo Xubnaha Guddiyada Doorashada, isla markaana la waafajiyo heshiiskii doorashada lagalana tashado Saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Wadajir

– Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply