Askari Katirsan Ciidamada Dowladda Oo Dil Ka Geystay Muqdisho

 

06-11-2020

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu xalay askari katirsan ciidamada dowladda ka geystay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa loo geystay wade mooto Bajaajle, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii uu wadaha ka biyo diiday inuu horey u sii qaado askariga oo markii dambe rasaas u adeegsaday, taas oo sababtay geerida marxuumka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, walow uu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi.

Inta badan askarta dowladda ee ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah shacabka ka geysta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. – Radio Shabelle

Leave a Reply