Wasiirada Oo Maalintii 3-aad Shir Xasaasi Ah Uga Socda Muqdisho & Halista Laga Dhaxlay

 

05-11-2020

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay Banbaxa Golaha Wasiirrada oo galay maalintii 3aad, iyada oo lagu wado in gelinka dambe ee maanta lasoo geba-gabeeyo.

Shirka ayaa Ajandeyaasha maanta looga hadlayo waxaa ka mid ah: Qorshaha 100-ka maalmood iyo Saxiixa Axdi Howleedka Wasiirrada & Ra’iisul Wasaaraha.

Saddexda maalmood ee uu shirka socdo ayaa waxaa Shacabka Magaalada Muqdisho laga xiray wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda, waxaana lagu arkayaa wadooyinka Shacabka oo si raxan raxan ah u lugeynaya.

Ciidamada Dowladda Somaaliya ayaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan maalintii saddexaad oo xiriir ah waxaa ay u diidayaan inay maraan Isgoysyada ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay Shacabka Magaalada Muqdisho. – Shaaciye News

Leave a Reply