Wasiir Duraan Oo Ka Badbaaday Qaraxii Caawa Ka Dhacay Muqdisho

 

05-11-2020

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda SOomaAliya, Duraan Axmed Faarax ayaa ka badbaaday qaraxii caawa lagula eegtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Gaadiid uu la socday wasiirka ayaa qaraxan oo miino ahaa lagula eegtay Agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Laba kamida ilaalada wasiirka oo la socday gaari Qooqan ahaa ayuu dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxaasi, iyadoona aanu qaraxu gaarin gaari nooca aan rasaasta karin ah oo wasiirku uu la socday.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna muddo kooban hakad geliyeen isu socodkii gaadiidka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa looga bartay Ururka Al Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka.

Maamulka Degmada Hodan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan ka hadlin qaraxa caawa ka dhacay degmadaasi. – Universal TV Somali

Leave a Reply