Raysal Wasaaraha Sweden Oo Karantiin Is Geliyay

 

05/11/2020

 


Ra´iisal Wasaare Stefan Löfven | Sawir: Fredrik Sandberg/TT

 

Madaxa Dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa is karaantiilay kaddib markii qof ka mid ah kuwa ku dhow-dhow uu la macaamilay qof laga helay Cudurka Coronavirus sida la xaqiijiyey.

Löfven ayaa Facebook kusoo qoray in isaga iyo xaaskiisu ay haatan wanaagsan yihiin isla markaana aanay ka muuqanin wax astaamo ah, balse ay iska qaadi doonaan tijaabada Cudurka Covid-19, sida ugu dhaqsaha badan.

Xigasho: Radio Sweden, Somali Section

Leave a Reply