Xukun Lagu Riday Milkiilihii Shirkadda Astaan TV

 

o4/11/2020

 

Hargeysa – Waxaa maanta oo Arbaco ah markale Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Somaliland la horkeenay Milkiilihii Shirkadda Warbaahinta AstanTv Cabdi Manaan Yuusuf, kaas oo Cciidamada Somaliland ay xireen 18-kii July 2020, xiligaas oo uu ku sugnaa Hotel uu deganaa oo ku yaallo Magaalada Hergeysa.

Cabdi Manaan ayaa xeer ilaalinta markii ay soo gudbisay dacwadaha lagu soo eedeeyey, waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, ganaax la cageed oo gaarayo 2 Billion oo Shilinka Somaliland iyo in la xiro gabi ahaan Xaruntii Shirkadda Astaan ee Magaalada Hargeysa ay ku laheyd.

Xigasho: Goobjoog News

Leave a Reply