Xildhibaannada Hirshabelle Oo Doortay Guddoomiye Cusub

 

04-11-2020

 

Jowhar – Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo goordhow ka bilaabatay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa ku guuleystay Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Hirshabeelle oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) ayaa waxaa 77 ku guuleystay Cabdixakiin Luqmaan.

Labada mas’uul ayaa kala helay

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, 77 cod

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir), 21 cod

Xildhibaannada codeeyay ayaa gaarayay 99 mudane, waxaa halaabay 1-cod.

– Radio Mogadiscio, La Voce Della Repubblica Di Somalia

Leave a Reply