Ciidamo Katirsan Daraawiishta Galmudug Oo Gadooday Kana Baxay Xeryihii Ay Ku Sugnaayeen

 

02-11-2020

 

Ciidamo katirsan Darawiishta Maamul Goboiledka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in ay faarujiyeen xeryihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay waaayeen xuquuqdii ay lahaaeen sida wararku sheegayaan.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay gadoodeen, iyadoo ay ku jireen Xerada Dhaankarone ee Duleedka Gelinsooor, halkaasi oo in muddo ah ay ku xareysnaayeen.

Ciidanka oo xerada isaga baxay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo aad u hubeysan, waxaana ay wataan sida wararku sheegayaan gaadiid gaaray 10 gaari oo kuwa dagaalka ah, waxaana ay sheegeen ciidanku in muddo 5 bil ah aysan wax mushaar ah qaadan taasina ay keentay in ay xeradii ay ku jireen ay faarujiyaan.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in ciidanka gadooday ay yihiin Malleyshiyaadkii dhawaan lagu wareejiyay Galmudug, waxaana ciidankaas wareejiyay Odayaasha Dhaqanka.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidan farabadan oo katirsan Daraawiishta Galmudug ay sameeyeen gadood, waxaana la hadlay madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi, wixii intaas ka dambeeyana waxaa xeryahooda dib ugu laabtay ciidankii gadoodsanaa. – Radio Dalsan

Leave a Reply