Xilliga La Dooranayo Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Oo La Shaaciyay

 

01-11-2020

 

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka, ayaa maanta soo saaray qoraal islamarkaana shaaciyay Jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle

War kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta Isniinta ah ay bilaabaneyso Qabashada Araajida Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3-da bisha Nofember oo ku aadan Talaaladada ay Musharixiinta jeedin doonaan khudbadahooda.

Sidoo kale Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in 4-ta bisha Nofembar oo ku beegan maalinta Arbacadaha ah la qaban doono Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labaad ee Hir-Shabeelle.

Howlaha la xiriira Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay ku socdaan si dardar leh, waxaana jira Beelaha qaar oo qaba tabashooyin ku aadan in la bedelay xubnihii ay u xusheen inay kamid noqdaan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply