Madaxweynehii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Gaaray Magaalada Jowhar

 

01-11-2020

 

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed.

Wafdiga oo ay kamid yihiin xubno katirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ee Magaalada jowhar, kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sheekh Shariif iyo xubnaha la socda ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedlka Hir-Shabeelle kuwooda ku sugan Magaalada Jowhar, iyaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Amniga Magaalada Jowhar ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemay guud ahaan magaalada socdaalka uu ku tegay Sheekh Shariif, kaas oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay.

Sheekh Shariif sheekh Axmed oo dhawaan dalka kusoo laabtay kaddib socdaalo uu ku tegay dalalka Imaaraadka & Keenya, ayaa socdaalkiisa Magaalada Jowhar waxaa uu kusoo aaday xilli ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, balse uusan wax door ah ku laheyn.

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply