Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Sharciga Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranka

 

01-11-2020

 

Muqdisho – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa shalay galab (31-10-2020) meelmariyay Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax-ka-bedelka Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, waxaana uu Xildhibaanada ka codsaday inay ansixiyan sharcigan.

Xildibaanada Golaha Shacabka oo cod u qaaday sharcigan ayaa waxaa ‘Haa’ ku ogolaaday 145 Xildhibaan, sida uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa badankood isku aragti ka qabay wax-ka-bedelka Qodobka 10-aad ee Sharciga Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, oo muddo xileedkiisu uu ku ekaa bishii hore ee Sebtember, balse uu guddigu soo jeediyay in mudo afar sano ah loogu daro, maadaama uu hawlo muhiim ah hayo, halka Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in gebi-ahaanba guddigan dib u magacaabis loogu sameeyo.

Xildhibaanada oo codka geliyay soo jeedinta Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka, ee ah in guddiga madaxabannaan ee Xuduudaha Federaalka afar sano oo dheeraad loogu daro muddo xileedkiisa ayaa waxaa ‘Haa’ ugu codeeyay 145 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Mursal.

Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geesey) ayaa Golaha Shacabka kaga mahadceliyay muddo kordhinta, ay u sameeyeen guddigaasi.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply