Ciidamada Amniga Oo Ka Mamnuucay Gaawirida Taksiyada Ee Ka Shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ee Aadan Cabdulle Cusaam (Aadan Cadde)

 

01-11-2020

 

Muqdisho – Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa wadayaasha Gaadiidka Taksiga ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ee Aadan Cabdulle Cusaam (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho, u diiday in ay tagaan albaabka garoonka, si ay usoo qaadaan dadka garoonka ka soo daga ama ka safra

Wadayaashaan gaadiidka oo gaaraya 45 gaari ayaa qaarkood muddo ka badan 40 sano ka shaqeeya halkaas, waxaana amar lagu siiyay in ay soo dhaafi karin Soomaali Airline oo u dhow Hoteel Jazeera oo dhowr Kiilo Mitir ka fog Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

“Ciidamada ayaa qaatay go’aankaan, qof xanuunsan, mid waayeel ah, mid naafo ah, waxaa lagu sugaa meel aad uga fog garoonka, annaga markii horaba ma geli jirin gudihiisa ee banaankii ayaa haddana aad noola fogeeyay qofka ma soo gaari karo halkaan,” ayuu yiri mid kamid ah Wadayaasha Gaadiidka Takaasida ee Garoonka Muqdisho.

“Go’aankaan ma ahan mid dowladda dhan isla qabto, waa qorshe ay shirkad lacag ku siisay Ciidanka Ammaanka qaarkood waxaana lala dagaalay wadayaashii oo halkaan ka raadsan jiray nolal maalmeedkooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan katirsan Guddiga Gaadiidleyda ee Takaasida Garoonka Muqdisho.

Shalay ayaa Baraha Bulshada ee Internet-ka lagu ogaaday arrimaha garoonka, kadib markii qoyskiisa sheegeen in aysan km4 ilaa garoonka baxsan karin $8, oo ay ka tagi karaan gees ka gees Magaalada Muqdisho.

Xigasho: Somali Weyn News

 

Leave a Reply