Xildhibaan Aadan Xeefoow Oo Laga Saaray Baarlamaanka 2aad Ee Hirshabeelle Iyo Shaqsi Kale Oo Lagu Badallay

 

31-10-2020

 

JOWHAR – Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo kamid ahaa Xildhibaannada Cusub Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta laga reebay Munaasabadii Dhaarta Baarlamaanka Cusub oo ka dhacday Magaalada Jowhar.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Aadan Xeefoow loo diiday in uu gudaha u galo hoolka ay ka dhaceysay Munaasabada Dhaarta, waxaana la sheegay in kursigiisa loo dhaariyay shaqsi kale oo magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan oo ay isku jifo yihiin,.

Lama oga sababta keentay isbadalka degdeg ah, iyadoo Xildhibaan Xeefoow uu ka mid ahaa xildhibaannadii uu soo gudbiyay Ugaaska Beesha Gaaljecel, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed oo kamid ahaa Duubabkii Dhaqanka ee u taggay Jowhar in ay wax ka soo xulaan xildhibaannada.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka imanaya cabasho la xiriirta musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyay soo Xulida Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle, iyadoo laga tagay shaqsiyaadkii ay duubabka dhaqanka beelaha qaarkood u soo xusheen oo lagu badalay xubno kale.

Aadan Xeefoow ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

– Hiran Online News

Leave a Reply