Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

 

31-10-2020

 

Peretoria (SONNA) – Warar naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil & dhaawac loogu gaystay dalkaasi.

Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay weerar ku qaadeen goobo ganacsi oo ay Soomaali ku leedahay Deegaanka Kosmoos (Cosmos) oo katirsan Johannesburg.

Labada Marxuum ayaa waxaa magacyadooda lagu soo koobay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyada oo ka wada shaqeynayey dukaanka lagu weeraray.

Kooxaha weerarka geeysatay ayaa falka kadib goobta isga baxsaday.

Sidoo kale burcadda ayaa isla deegaankan dhaawac halis ah ugu gaystay ganacsade kale oo Soomaaliyeed, kaas oo loo cararay isbitaalka.

 

Leave a Reply