Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Cusub Ee HirShabeelle Oo Lagu Dhawaaqay

 

31-10-2020

 

JOWHAR – Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa maanta lagu dhaariyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale waxaa isla maanta Jowhar looga dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah ee baarlamaanka cusub ayaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siyaad Barkhadle, kaas oo kulamada Xildhibaanada guddoomin doona inta laga soo dooranayo guddoomiye iyo ku xigeenno.

Guddoomiyaha Kumeel-gaarka ah Xildhibaan Maxamuud Siyaad ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 9-xubnood oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka baarlamaanka.

Guddigaas waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Labaad ee Hir-Shabeelle ayaa la qaban doonaa 5-ta bisha soo socota ee Nofember, waxaana jira olole ay wadaan musharaxiin dhowr ah oo u taagan xilkaas.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga

 

– Radio Kulmiye

Leave a Reply