Dagaal Culus Oo Soomaalida Iyo Canfarta Ku Dhexmaray Itoobiya

 

31-10-2020

 

Wararka naga soo gaarayo xadka is-maamulka Soomaalida iyo Canfarta ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in uu dhexmaray dagaal labadaan Qowmiyadood.

Dowlada Itoobiya oo war qoraal ka soo saartay dirirta dhexmartay dhinacyada dagaalamay ayaa sheegatay inay dhinteen 27-ruux.

“27-qof ayaa loo dilay “sababo la xiriira isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaalida iyo Canfarta”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xukuumadda Itoobiya.

Qowmiyadahan ayaa isku hayo muran la xiriira dhanka dhulalka oo mudo dhowr jeer oo hore sababay dagaalo ay wada-galeen Soomaalida iyo Canfarta kaasoo ay ka dhasheen khasaaro naf iyo maalba leh.

“Maleeshiyada maxalligga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka,” sidaas waxa wakaaladda Reuters u sheegay Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida.

Qowmiyadaha ku nool Itoobiya ayaa sanadadii ugu danbeeyay waxaa dhexmarayay isku dhacyo si wayn looga dareemay guud ahaan wadankaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply