Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Kormeeray Kontaroolada Ciidanka Ee Gaalkacyo

 

30-10-2020

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil katirsan cCidanka Booliiska Soomaaliyeed oo kormeero shaqo ku marayeen deegaanno katirsan Galmudug ayaa maanta kormeeray Saldhiga Booliiska Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo kontoraalada amniga ee Magaalada Gaalkacyo qaarkood.

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa la socadka Tayada Ciidanka Booliiska iyo sidii loo xoojin lahaa amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka maadaama Gaalkacyo ay kamid tahay meelaha lagu qabanayo doorashada.

Doorashooyinka xubnaha Xildhaabannada soo socda ee Deegaanadda Galmudug ayaa lagu qaban doonaan Gaalkacyo, waxaana Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu warbixinno la xariira howalaha shaqo ka dhageysatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug ee ku sugnaa saldhigyada iyo baraha koontorool Magaalada Gaalkacyo.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sidiiq Aadan Cali (Doodishe) oo kamid ahaa saraakiisha uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa kormeerka kadib warbaahinta la wadaagay kormeerka ay ku tageen deegaanno katirsan Galmudug.

– Radio Mogadiscio, La Voce della Repubblica di Somalia

 

Leave a Reply