Gudoomiayaha Degmada Afgooye Oo Kulan La Qaatay Odayaal Laga Burburiyey Xaafad Ay Si Sharci Daro Ah Ku Degenaayeen

 

30-10-2020

 

Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Aweys Cabdullaahi Cumar (Buulalow) ayaa la kulmay Odayaasha Xaafada Embegati ee dhawaan guryahooda laga burburiyay.

Kulanka Guddoomiyaha Degmada Afgooye iyo Odayaasha Xaafada Embagati oo ka dhacay Xarunta Degmada ayaa looga hadlay sidii xal loogu keeno lahaa dadkii maalmahan guryahooda ay burburinta ku socotay.

Ugu Horeyn Guddoomiyaha ayaa odayaasha la wadaagay inuu aad uga xunyahay in dad shacab ah la barakiciyo waxaa uuna sheegay Inuu dib u dejin loo sameynayo.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa odayaasha u sheegay inay guddi sameystaan, si arrintan xal loogu raadiyo.

Si kastaba arintu ha ahaatee, guryahan la burburiyey ayaa markoodii horaba ahaa guryo si sharcidaro ah lagu dhistey, dadkii dhisteyna aysan heysan wax warqad ah oo cadeynaya in dhulku ay iyagu lahaayeen markoodii hore. – Daafeet News

Leave a Reply