Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

 

28-10-2020

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Saraakiil katirsan Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa Galmudug u tagay dib u habayn ay tahay in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka, lana dhameystiro qorshihii ay hawlgal ugu dhaqaaqi lahaayeen dhulka ay Shabaabku ka maamulaan Galmudug.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Galmudug ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo maanta gaaray Magaalada Cadaado. – Universal TV Somali

Leave a Reply