Dowladda Oo Ciidan Farabadan U Dirtay Degmo Lagu Dilay Dad Shacab Ah

 

28-10-2020

 

Magalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa gaaray ciidan farabadan oo katirsan Dowladda Federaalka, waxaana ay isugu jiraan Millateri, Nabad Sugud iyo Boolis.

Ciidanka ayaa waxaa lagu soo dhaweyay Gudaha Caabudwaaq iyadoo ay weheliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Dhexe iyo Maamulka Galmudug, mas’uuliyiinta Caabudwaaq gaaray waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

Magaalada ayaa waxaa ka dhacay dil loo gaystay laba ruux oo shacab ah, waxaana dilkaasi uu salka ku hayaaa anooyin qabiil, iyadoo laga cabsi qabo in uu dhaco dagaal la xariira aanadaasi qabiil, waxaana wararku sheegayaan in ciidanka la gaarsiiyay Caabudwaaq ay ka hortagi doonaan dagaal beleed salka ku haya dhacdadii maanta.

Degaaanada Galmudug ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay dagaalada la xariira aanooyinka, waxaana magaalooyin iyo degaanno dhowr ah horay uga dhacay dilal. – Radio Dalsan

Leave a Reply