Pakistan: Qarax Ka Dhacay Peshawar Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawacyo

 

27-10-2020

 

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhimatay Masjid ku yaalla Magaalada Peshawar oo dhaca waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan, kadib markii boorso laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qaraxday Gudaha Masjidkaasi oo sidoo kale ahaa dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Qaraxaasi ayaa saaka waaberigii ka dhacay Masjidka Speen Jamaat, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 72-ruux, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliisku.

Taliyaha Booliska ee Magaalada Peshawar Muhammad Ali Khan ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay xilli caruur badan oo baranaayey Qur’aanka ay ku jireen Gudaha Masjidkaasi.

Baaritaanno hordhac ah ay sheegayaan in 5-6 kiilo oo walxaha qarxa ah oo laga soo buuxiyay boors ay sababeen dhimashada iyo dhaawacyada soo gaaray dadkaasi oo u badan caruur. – SONNA News

 

Leave a Reply