Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Galmudug Iyo James Swan?

 

27-10-2020

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan iyo wafdi la socday oo gaaray Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhammadka sanadkaan 2020-ka iyo horaanta 2021-ka, xoojinta amniga iyo Iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa James Swan iyo wafdiga la socday uga mahadceliyay socdaalka ay maanta ku tageen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Sidoo kale ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiiladda Beesha Caalamka sida; Nicole Miller (Wakiilka EU), Francico Madeira (Wakiilka AU), iyo Jamaal Axmed (Wakiilka IGAD), kuwaasi oo kamid ahaa wafdiga uu hogaaminayay James Swan.

Wakiilka QM ee Soomaaliya iyo xubno sare oo ka socday Beesha Caalamka ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyagoona kulan al qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicsiis Lafta-gareen. – Radio Dalsan

Leave a Reply