27/10/2020
Hargeysa (SOLNA) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay wafdi ka socday Midawga Yurub.
Shir ay yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali iyo masuuliyiin ka socday dalalka Midowga Yurub ayaa lagu gorfeeyay is-kaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.
Waftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo madax ka socotay Xafiiska EU-da ayaa guddoomiyaha kala hadlay arrimaha la xidhiidha Doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh iyo doorkii ay ka qaateen hay’adda garsoorku iyagoo soo dhaweeyay kaalinta garsoorku ka qaadan karo doorashada la filayo in ay dalka ka qabsoonto.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyay taageerada ay Somaliland siiyaan, isagoo u soo jeediyay in ay kordhiyaan taageeradaasi.