Nin Dil Ku Eedeysnaa Oo Lagu Toogtay Degmada Luuq

 

26-10-2020

 

Khadar Maxamuud Boqor ayaa waxaa maanta lagu qisaasay fagaare ku yaala Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kadib markii lagu eedeeyay inuu dilay nin askari ahaa.

Khadar Maxamuud Boqor ayaa la sheegay in 26-kii bishii hore ee Sebtember uu Saldhiga Booliska ee Degmada Luuq uu ku dhex dilay Axmed Cabdi Barre, oo ahaa askari katirsan Ciidamada Booliska.

Maxkamadda Degmada Luuq ayaa ugu dambeen waxay 10-kii bishan ku xukuntay xukun dil ah, oo ay maxkamaddu ku sheegtay inay tahay qisaasta marxuumkii uu dilay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Luuq, Sheekh Cabdi Maxamed Aadan ayaa xilligaa sheegay in baaritaano badan oo la sameeyay ka dib ay maxkamadda ninkaasi ku xukuntay xukun dil ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Khadar Maxamuud Boqor, Ina Caaliya Maxamed Guuleed, 22 jir ah ay ku cadaatay inuu dilay dable boolis, Axmed Cabdi Barre.

Maanta ayaana eedeysanaha lagu fuliyay xukunkii maxkamadda. – Universal TV Somali

 

Leave a Reply