Ciidamada Dowladda Oo Burburin Ku Bilaabay Dhul Uu Sheegtay In Uu Leeyahay Wiil Uu Dhalay Siyaad Barre

 

 

26-10-2020

 

Muqdisho – Wararka ka imanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shaagaya in saakay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo wata Katarabiilo ay bur-burin ku bilaabeen Xaafada Imbagaati ee ku taala Degmada Afgooye.

Dadka degan xaafadan ayaa saakay mar qura ka war helay ciidamo hubeesan oo bur-burin ku bilaabay guryahooda, waxaana ciidamada ay dadka u adeegsanayeen awood; iyagoona guryaha ka saarayay kadibna bur-burinayay guryaha.

Muuqaalo lasoo duubay ayaa laga arkayay dadka qaar oo caruurtooda guryaha kala soo baxaya iyo agabyo yar-yar ee gacanta ku qaadan karaan, waxaana guryaha lagu dhex bur-burinayay alaabaha dadka qaar guryaha u yaalay.

Guryaha la bur-burinayo ayaa ku yaala Agagaarka Kontaroolka Baar Ismaaciil, gaar ahaan dhul ay lahaayeen Ciidamada Asluubta, waxaana dhulkan sheegtay in uu leeyahay wiil uu dhalay madaxweynehii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare.

Dadka guryaha laga bur-burinayay ayaa sheegay in awood ciidan iyo mid qabiil loo adeegsaday lana dhibaateeyay, waxa ayna ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in ay soo faragaliyaan dhibaatadan lagu hayo. – Mogadishu Journal

Leave a Reply