Wasaaradda Beeraha XFS Oo Tababar U Furtay Qaar Kamid Ah Shaqaalaha Wasaaradda

 

25-10-2020

 

Muqdisho (SONNA) – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed u furtay xubno ka kala socday wasaaradda iyo kuwa maamul goboleedyada

Aqoon kororsigan oo ay ka qeyb galeyn qaar kamida masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradaha beeraha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa u jeedkiisu ahaa sidii xog is weedaarsi iyo fahan fiican looga heli lahaa shaqooyinka ay qaban doonto Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaarada beeraha Soomaaliya hadana sharcigeedu horyaalo xildhibaanada golaha shacabka oo marsiiyay aqriska koowaad.

Agaasimaha Qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda beeraha Soomaaliya Maxamuud Yaasiin Cartan ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim yahay isla markaana loo baahanyahay inay si wadjira uga faaiideystaan xubnaha ka kala socda wasaarada beeraha ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka Soomaaliya Xaamuud Cali Xasan oo tababarka furay ayaa xusay in Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha ay muhiimad weyn u leedahay dalka maadama ay sahli doonto In la koontaroolo cuntada dalka soo gasha iyo kuwa ka baxa intaba.

Leave a Reply