Waare Oo Ku Dhawaaqay Xubnaha Guddiyada Doorashada Ku Metelaya HirShabeelle

 

25-10-2020

 

Jowhar – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha Hir-Shabeelle ku meteya guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka.

Xubnahan ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare, waxaana Guddiga Doorashooyinka Hir-Shabeelle ku meteli doona Maxamed Maxamuud Cadow iyo Cabdinaasir Maxamed Guuleed.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka waxaa Hir-Shabeelle ku meteli doona Liibaan Cusmaan Nuur iyo Farxiyo Xassan Cismaan, sida ku cad wareegtadan ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply