Jahwareerka Ka Taagan Doorashada Hirshabeelle & Go’aanka Villa Soomaaliya

 

25-10-2020

 

9-kii Bishan Oktoobar 7-cisho kahor, waxaa dhammaaday muddo-xileedka 4-ta sano ah ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, kadib markii ay soo xuleen Odayaasha Beelaha, Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaa la dhaariyay 9-kii Oktoobar 2016. 13-kii Oktoobar ayaa la doortay Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Baarlamaanka. Sidoo kale baarlamaanka ayaa doortay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) 17-kii Oktoobar 2016. Cali Cabdullaahi Cosoble (oo ka haley 61 cod 98 Xildhibaan) waxa uu ka guuleystay musharrixii la tartamayay, Maxamed Cabdi Waare oo helay 36 cod.

Muddo ka yar sanad, Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble 14-kii Ogosto 2017 kadib markii mooshin kalsooni kala noqosho laga keenay. Maxamed Cabdi Waare oo horey ula tartamay ayaa loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Labaad ee Hirshabeelle 16-kii Sebtember, 2017, isagoo helay 75 cod. Waare waxaa lagu caleemo saaray Magaalada Jowhar 23-kii Oktoobar 2017 xaflad ay kasoo qeyb galeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya, Michael Keating, iyo wakiilo kale ee beesha caalamka.

Dastuurka Hirshabeelle ayaa ku xaddidaya muddo-xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha afar sano. Inkastoo madaxweynaha hadda talada ka sii degaya Maxamed Cabdi Waare la caleema saaray saddex sano kahor bishaan, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu dhammaystiray muddadii madaxweynihii hore, kaasoo dhammaaday bartamihii bishan Oktoobar. Sidaas darteed, doorashada dowlad-goboleedka waxa ay ahayd inay dhacdo bishan. Sikastaba ha noqotee, diyaar garowga doorashada ayaa ahaa mid liita, waxaana ay doorashadu kusoo beegantay iyadoo loo diyaargarobayo lana wakhtiyeeyay muddada doorashooyinka federaalka.

Hirshabeelle waxay ahayd maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee laga yagleelay Soomaaliya. Nidaamkeeda maamul-u-sameynta waa la dedejiyey si looga gaarsiiyo doorashadii dadbaneyd ee 2016 halkii laga aasaasi lahaa maamul tayo leh oo xasilloon. Qaar kamid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan oo kamid ah labada gobol ee ku midoobay Hirshabeelle , ayaa ka caga jiidayay isku darka labada gobol. Sikastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ee xilligaas waxay dooneysay inay dedejiso dhismaha maamul goboleedka cusub si uu maamulka uga qeybgalo doorashadii dadbaneyd ee 2016.

Markii la doortay Afhayeennada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Madaxweynaha, waxay si toos ah ugu lug yeesheen doorashadii dadbaneyd ee federaalka ee 2016. Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ayaa doortay Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanayay Hirshabeelle, Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Goboleedkana waxa uu magacaabay Kooxda Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dowlad Gobol. 37 Xildhibaan Golaha Shacabka ayaa lagu doortay Magaalada Jowhar. Wasiirada Hirshabeelle waxaa la magacaabay kadib doorashadii dadbaneyd ee heer federaal ee 2016.

Afar sano kadib, Doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxay la kulantay doorasho kale ee federaal. Madaxda federaalka ee hadda talada haysa waxay mar kale u muuqdaan kuwo doonaya inay dardar geliyaan doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle si maamulka cusub uga qeybgalo hanaanka doorashada dadban ee heer federaal ee 2020-21.

Hadda sida aan xog ku helnay, maalmaha soo aadan ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo ay ka soo dhex muuqan doonaan wejiyaal, halkii kuwo hore qaarkood ay soo noqon doonaan, sida la wada ogyahay.

Doorashada sanadkan muran ayaa hareeyay, iyadoo la isku hayo xilka ugu sareeya ee maamulka ee horay Heshiis Akhyaareed Odayaasha gaaray loogu ogolaaday in mid kamid ah Beelaha dega Hiiraan qaataan madaxweynaha halka madaxweyne ku-xigeenka Beesha kale ee ugu saameynta Gobolaka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu ku metalay Cali Guudlaawe Xuseen.

Cali Guudlaawe Xuseen, madaxweynihii ku-xigeenka maamulkaas hadda waa musharax madaxweyne awood ka heysta Dowladda Federaalka, waxayna dadka siyaasadda la socda ay sheegayaan inuu ku soo bixi karo doorashada haddii aan la helin awood kale oo maquunisa.

Xaalka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid jahwareer ah, iyadoo mudadii afart sano ah Mas’uuliyiinta Hirshabeelle aanay guulo ka gaarin, arrimaha amniga, dib u heshiisiintam horumarinka kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamulka wanaaga inataba.

Inta badan Deegaanada Hirshabeelle waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, waxaa xiran wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, waxaa nasiibdarada ugu weyn ay tahay oo Madaxda Hirshabeelle ee waqtigooda dhammaaday lagu xusuusan doonaa in Balcad iyo Jowhar oo 60-km isugu jira loo raacayo diyaarad, taas oo markale mugdi sii gelin karta madaxda hadda u sii hanqal taageysa in fursad loo siiyo afar sano kale. – Shaaciye News

Leave a Reply