DF Soomaaliya Iyo Jubbaland Oo Heshiis Ka Gaaray Xiisada Gobolka Gedo

 

25-10-2020

 

Iyada oo weli Gobolka Gedo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa waxaa haatan soo baxaya inay heshiis qarsoodi ah gaareen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Jubbaland ay ku heshiiyeen in ciidamadu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilinta amniga gobolkaasi.

Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Jubbaland, Maxamed Cabdi Kaliil oo Warbaahinta Shabelle la hadlay ayaa sheegay in la xalliyey khilaafkii in muddo ah u dhexeeyey Dowladda Soomaaliya & Jubbaland.

Kaliil ayaa shaaca ka qaaday in lagu heshiiyey in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay iskala shaqeeyan amniga iyo xaslinta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey Madaxweyne Axmed Madoobe u yimid Magaalada Muqdisho oo uu uga qeyb-galay shirkii wada-tashiga ee doorashada 2020/21. – Radio Shabelle

Leave a Reply