XOG: Cumar Filish Oo Xaalad Caafimaad Darro Loogula Cararay Dalka Dibadiisa & Sirculus Oo Laga Helay

 

24-10-2020

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa dalka dibadiisa u amba-baxay kadib markii ay la soo derseen xaalado caafimad darro oo uu ka shaqeyn waayay.

Dad ku dhow Duqa Muqdisho ayaa inoo sheegay in Cumar Filish uu aaday dalka Turkiga, si uu daawo ugu helo xanuun dhowr ah oo isbiirsaday oo maalmihii u dambeeyay ku sii xoogeysanayay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xanuuno ka haya Caloosha sida (Gaas).

Warbaahinta gudaha ayaa laga qariyay safarka caafimaad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku aaday dalka Turkiga, waxaana maalmihii u dambeeyay Baraha Bulshada lagu arkayay, Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan oo loogu yeerayay Ku-simaha Duqa Muqdisho.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in tan iyo markii Duqa Muqdisho loo dhiibay xilkan uu ahaa bukaan socod, islamarkaana shirar muhiim ah uu kaga baaqday xaalad caafimaad darro oo soo wajahday.

Cumar Filish oo caan ku ahaa dagaaladii soo maray dalka qeybta uu ku lahaa, ayaa hadda hoggaaminaya Saddexda Milyan ee ku dhaqan Gobolka Banaadir, kuwaas oo sheegaya ineysan ka helin waxyaabihii ay ka filayeen markii la magacaabayay. – Shaaciye News

Leave a Reply