Imaamka Cusub Oo Amba-baxayo Xalinta Deegaanka Burdheere

 

23-10-2020

 

MUQDISHO – Imaam Daahir Imaam Maxamuud oo dhawaan loo duubay Saldanada Imaamnimo ayaa ku fool leh Degmada Cadale, si uu halkaasi uga bilaabo Dib U Heshiisiin ku aadan xal u helida Dhibaatada Burdheere oo dhawr sanno jirsatey

Abaabul ku saabsan arintaas ayaa laga dareemayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Imaam Daahir Imaam Maxamuud.

Booqasho la xiriirta arinta Dib U Heshiisiinta Burdheere waxaa hoyga Imaamka shalay ku tagay madax uu hogaaminayay Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, kuwaasi oo Imaamka la wadaagay tallooyin ku aadan Dhamaynta Arinta Burdheere.

Lama oga inuu Imaamka Cusub ku guuleysan doono nabadayntan iyo in kale. Guul dhaqan ayay Imaamka Cusub u noqon doontaa haddii uu ku guuleysto Xalinta Dhibaatada Burdheere. – Somali Weyn News

Leave a Reply