Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Ku Dhexmaray Deegaanno Hoostaga Gobolka Galguduud

 

23-10-2020

 

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal culus deegaanno hoostaga gobolka uu ku dhaxmaray ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa xoogagga Ururka Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Guutada 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab deegaanka lagu magacaabo Labi-dulle.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarkaa oo ahaa mid qorsheysan ku dileen xubno katirsan Ururka Al-shabaab, laakiin dhinaca Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ay khasaaraha ka dhashay intaba.

Al-shabaab ayaa ka howlgala deegaanno katirsan Gobollada Dhexe oo ay fariisimo ku leeyihiin, waxaana inta badan deegaannadaa ka dhacay iska horimaadyo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab. – Hiran Online News

Leave a Reply