Weriye Cabdullaahi Kulmiye Oo Goordhow La Sii Daayay

 

 

22-10-2020

 

Waxaa goordhow dib xoriyaddiisa u helay Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo katirsan shaqaalaha Idaacadda Kulmiye.

Dadaal dheer oo ay sameeyeen Maamulka Idaacadda Kulmiye ayay ku suurta gashay in maanta Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow uu xoriyaddiisa helo.

Weriyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay u xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weriyaha ayaa waxaa uu u xiranaa wareysi uu ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, oo taageeray fekerka Al-Shabaab. – Radio Kulmiye

 

Leave a Reply