Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay La Taliyeyaal Caalami Ah Iyo Kuwo Muwaadiniin Ahba

 

22/10/2020

 

Hargeysa (SOLNA) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa kulan la yeeshay la taliyeyaasha mashruuca dib u habaynta maamulka maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd dar dargelinta dib u habaynta maamulka maaliyadda iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhexeysa wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo khubarrada kala talisa arrimaha dib u habaynta maamulka maaliyadda.

La taliyeyaashan uu maanta wasiirka horumarinta maaliyaddu kulanka la yeeshay ayaa isugu jira khubarro ajaanib ah iyo khubarro muwaadiniin reer Somaliland ah, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland oo sheegay in kulankani salka ku hayey maanta is barasho iyo xog qaybsi, isaga oo sidoo kalena sheegay in ay wasaaradda horumarinta maaliyaddu doonayso in ay qaadato, isla markaana hirgeliso nidaamka loo yaqaano dib u qaabaynta maamulka maaliyadda.

Waxa uu sidoo kale wasiirku sheegay in khubarradan kala duwan ee kulanka ku sugnayd laga doonaayo sidii loo dabaqi lahaa nidaamka maamul wanaaga maaliyadda, waxaanu usoo jeediyey khubarradan in ay noqdaan macalimiin wax barta shaqaalaha wasaaradda, isla markaana ay raad kaga tagaan.

Dhinaciisa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Muuse Ibraahim Yuusuf Selef iyo xidhiidhiyaha mashruuca dib u habaynta maamulka maaliyadda ee PFM Xasan Faarax oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda kulankan iyo faa’iidad ay la taliyeyaashani u leeyihiin mashruuca dib u habaynta maamulka maaliyadda oo qaran ahaan laga faa’iiday.

Leave a Reply