Taliye Odowaa Oo Ka Hadlay Dagaalo Ka Dhacay Gobolka Bay

 

21-10-2020

 

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in howlgalo ay ciidamada milatariga ka sameeyeen deegaano katirsan Gobolka Bay ay ku dileen dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Jeneraal Odowaa ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada ka fuliyeen meel u jirta 11 km Magaalada Diinsoor ay ku dileen illaa 19 dagaalame.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in sidoo kale ay ciidamadu nolosha ku qabteen laba dagaalame oo katirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ciidamadu ku guuleysteen burburinta ka saaridda goobihii ay isku uruursanayeen Al-Shabaab ee Duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay. – Shaaciye News

Leave a Reply