Qarax Loo Adeegsaday Mooto Bajaaj Oo Caawa Ka Dhacay Baydhabo

 

21-10-2020

 

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay Xaafadaha Magaalada Baydhabo ayaa caawa ka dhacay kontoroolka koonfureed ee magaalada laga soo galo.

Mootada ayaa ku qaraxday Kontoroolka Hareeri Kaadiyow oo Saldhig Boolis uu ku horyaalo, kadib markii ay goobtaasi uga carareen laba nin oo la socotay.

Sarkaal katirsan Booliska Baydhabo oo codsaday inaanan magaciisa warbaahinta loo adeegsan ayaa ka sheekeeyay, sida ay wax u dhaceen.

Sarkaalkan ayaana yiri “Qaraxa wuxuu ka dhacay kontoroolka gaadiidka lagu baaro ee Hareeri Kaadiyow. Nin askari ah ayaa damcay inuu baaro Mooto Bajaajta, laakiin laba nin oo mootadii la socotay ayaa si kedis ah toorey ugu dhuftay askarigii, qorigii uu watayna way ka fara maroojiyeen, oo ay la carareen, iyagoo goobta uga tagay Mooto Bajaajtii. Wax rasaas ah iyagoo aan ridin ayay goobta ka baxsadeen, daqiiqado kadibna mootadii ayaa qaraxday.”

“Saddex askari ayaa ku dhaawacantay qaraxa, dhaawacyada askartana waxaa loo qaaday isbitaalka.”

“Kontoroolka Hareeri Kaadiyow waxaa ku dhow Saldhig Boolis, mana cadda in bartilmaameedkooda uu ahaa saldhigaasi iyo inay meel kale qaraxa u wadeen, laakiin baaritaan ayaa socdo.”

Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu amar ku bixiyay in la adkeeyo Ammaanka Magaalada Baydhabo. – Universal TV Somali

Leave a Reply