Mas’uul Katirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland Oo La Dilay

 

21-10-2020

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil habeennimadii xalay ka dhacay Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, kadib markii halkaas lagu dilay mas’uul katirsan maxkamadda ciidamada sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno.

Mas’uulka ayaa la sheegay in kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo aan heybtooda la garan ay toogteen xili uu ku sugnaa bannaanka hore ee hoygiisa, waxaana magaciisa lagu sheegay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus).

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa Kaaliyihii Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland, waxaan weli jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dilka loo geystay kaaliyaha. – Goobjoog News

Leave a Reply