Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulamay Golaha Wasiirada Cusub

 

20-10-2020

 

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta kulan la qaatay Golaha Xukuumadda Cusub ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar daarmay inay sii labo jibaaraan dadaalada lagu horumarinayo hanaanka dowladanimada Soomaaliyeed iyo ilaalinta sharciga dalka.

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magacaabay golaha wasiirada cusub ee dalka oo ka kooban ilaa iyo 70 xubnood oo isagu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-dowlayaal. – Radio Muqdisho

Leave a Reply