Ciidanka Burundi Oo Haweeney Ku Dilay Duleedka Degmada Mahadaay

 

20-10-2020

 

Wararka ka imaanaya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah AMISOM, ay haweeney ku dileen duleedka degmadaasi.

Ciidanka Burundi ayaa gudaha u galay gurigii ay haweeneydan deganeyd, iyagoona si bareer ah rasaas ula dhacay haweeneydaasi.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, kadib markii mid kamid ah kolonyo ay wateen uu haleelay qarax ku aasnaa wadada dhinaceeda.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Deegaanka Buurane oo hoos-tagga Degmada Mahadaay, oo ood wadaag la ah Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in haweeneyda la dilay ay xilligan korineysay carruur agoon ah, oo aabahood uu kol hore ku geeriyooday rasaas habow ah, oo ka dhalatay iska horimaad deegaankaasi ku dhex maray AMISOM iyo Shabaab.

Waxgaradka deegaanka ayaa Ciidanka Burundi ku eedeeyay inay dhibaateeyaan dadka deegaanka, markasta oo qarax uu haleelo gaadiidkooda. – Universal TV Somali

Leave a Reply