Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Distoorka Oo Tababar U Furtay Saraakiil Katirsan Ciidanka Booliska

 

19/10/2020

 

HARGAYSA, Somaliland (SOLNA) – Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Distoorka ayaa tababar ku saabsan Distoorka iyo Xuquuqul Iinsaanka u qabatay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Somaliland.

Tababarkan oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska ee Caasimadda Hargaysa waxaa furitaankiisii ka qayb galay Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Distoorka, Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Distoorka Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxaanu si qoto dheer u sharaxay danta ay ka leeyihiin inay Ciidanka Booliska baraan distoorka dalka iyo Xuquuqul Insaanka waxa uu wasiirku sheegay in Ciidanka Boolisku yihiin kuwa ku dhaqma distoorka iyo xeerarka ka farcama isla markaana baahi weyn loo qabo sidii aqoontooda loo dhisi lahaa.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdi Xasan Mire iyo Hogaan Ku-xigeenka Hawl Gelinta ee Ciidanka Booliska Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil oo u mahad celiyey Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Distoorka ee tababarkan u qabatay Saraakiisha Ciidanka Booliska waxayna balanqaadeen in duruusta halkan ay ku bartaan ay ku dabaqi doonaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Gabagabadii waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed, iyagoo bogaadiyey dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee wasaaradda xidhiidhka golayaashu ku hawlan tahay, waxayna intaas ku dareen in qaran kasta oo adduunka ka dhisani uu ku taagan yahay Distoor isla markaana loo baahan yahay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqaadka uu distoorku qeexayo.

Leave a Reply