Galmudug Oo War Kasoo Saartay Dilal Ka Dhacay Gobolka Mudug

 

19-10-2020

 

Dhuusamareeb – War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa looga hadlay dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano katirsan gobolka Mudug.

Dilalka ayaa ka dhacay Degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug habeenkii Axadda soo geleysay ee la soo dhaafay, taariikhduna ku beegneyd 17 Oktoobar 2020, waxaana loo geystay dad rayid, Xoolo Dhaqato ahaa.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in deegaanada dilka ka dhacay u dirtay ciidamada amniga si ay gacanta ugu soo dhigaan kooxdii ka dambaysay falkaas foosha xun kuwaasoo illaa shalay subax baadigoobaya saddexdii qof ee falkaas In ay ka danbeeyeen lagu tuhmayey.

Maamulka Gobolka Mudug kan Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa Wasaaradda Amniga Galmudug fartay in Ciidamada Ammaanka ay ku gacan siiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

– Radio Risaala

Leave a Reply