Daahir Geelle Oo Afduubka C/laahi kulmiye Ku Macneeyay ‘Suurad Xumeyn Dowladnimo’

 

19-10-2020

 

MUQDISHO – Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa Dowladda Soomaaliya ku dhaleeceeyay xarigga sharci darrada ah ee ay kula kacday Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow oo katirsan shaqaalaha Radio Kulmiye.

Weriye Cabdullahi Kulmiye ayaa Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda NISA si sharci darro ah ugu xiran maalinkii labaad, waxaana falkaas aad u cambaareeyay siyaasiyiin badan oo uu kamid yahay wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle.

Hoos Ka Akhriso Qoraalkiisa

Xurriyad ka xayuubinta muwaadinka Xeer ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga yaalay.

Xirfadle in xirfaddiisa lugu xiro sidoo kale waxay eheed xaaraan aan xeer bannaynayaa jirin mid xarrimaya mooyee.

Dhaqanka dawladinimada waxaa kamid ah in xeerarka la raaco lana dabaqo. Guri iskugu daadashada, albaab isku jebinta iyo isku guurayntuna waa dhaqamada lugu yaqaano jabhadaha, waxayna suurad xumaynaysaa dawladnimada.

Xukuumadda Madaxwayne Faramaajo xeerarka dalka ma xeeriso, waxaa jira dhacdooyin tixane ah oo ka dhan ah sharafka dowladnimida iyo xeerarka dalka.

Falka Weriye Cabdullahi Kulmiye oo gurigiisa ay ugu dheceen ciidamo xilli habeen ah waa fal lid ku ah sharciga dalka oo u baahan in la saxo lagana dhiidhiyo.

Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed qodobkiisa 44aad, faqradiisa 3aad wuxuu xarrimaysaa 6-da maqribnimo illaa 7-da subaxnimo in waaran xarig ah loo geeyo muwaadin, iskabadaa in gurigiisa loo dhaco saq-dhexe ayadoon la wadan wax waaran ah.

Dowladdu waa dowladdeenii maahan jabhad na haysta, dowladdu waxay haysataa sharciyad ay dadka ku xirto kuna xeer-mariso, maxay tahay waxa dawladda ku qasbayaa in ay tuugaysato oo ay saq-dhexe dadka albaabada ku jebiso.

Waxaan ku baaqayaa in Wariye Cabdullahi Kulmiye si deg deg ah xurriyaddiisa loo siiyaa haddii dembi lagu tuhmaa loo maro hab sharci ah, ciddii falkaas gaysatayna sharciga la marsiiyo. – Radio Kulmiye

Leave a Reply