Oday Dhaqameedyo Maanta Gaaray Magaalada Jowhar

 

18-10-2020

 

Qaar kamid ah Oday Dhaqameedyada Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Oday Dhaqameedyadan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Xubnaha Guddiga Farsamada soo xulista Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle.

Oday Dhaqameedyada soo gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxaa kamid ah Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxmed Weli Xuseen Islow, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo qaar kale.

Ujeedka Oday Dhaqamedyada ay maanta u yimaadeen Magaalada Jowhar ayaa ah sidii loo soo xuli lahaa Xildhibaanada Labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Mudada xil haynta Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa soo gabagabowday, iyadoo lagu wado in illaa horaanta bisha soo socota ee Nofember (November) la qabto Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle. – Jowhar News

Leave a Reply