18-10-2020
Fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa saameysay tuulooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen Buundada Warmaxan waxaana kala go,an isu socodka bulshada.
Fatahaadan ayaa waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool deegaanada Shabeelaha Hoose, waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan oo ay sababeen fatahaadaha webiga.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay fatahaada. – Radio Shabelle