17-10-2020
Muqdisho – Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warqad uu u direy Madaxda Maamul Goboleedyada dalka waxa uu ugu baaqay inay si shaqso ah u soo gudbiyaan Xubnaha Guddiga Doorashada.
Warqada ayaa loogu sheegayay Madaxda Dowlad Goboleedyada in gabo-gabo tahay waqtigii loo qorsheeyay in lagu soo magacaabo Xubnaha Guddiga Doorashada Heer Federal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Qoraalka ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada lagu xusuusiyay in magacaabista guddiga uu dib u dhacay lagana doonayo maamulada in kahor labaatanka bishan ay soo gudbiyaan xubnaha laga doonayo.
Xigasho: Jowhar News