Dowladda Mareykanka Oo Sheegtay In Saddex Boqol Milyan Oo Dollar Ay Ku Bixisay Gar Gaarka Soomaaliya

 

16-10-2020

 

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay ku dhawaad saddax boqol malyuun oo doolar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaaridda dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

Deeqdan oo ay fulisay hay’adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa ay gaareysay 275 malyuun, taas oo lagu iibiyay raashiin iyo agabka wax lagu cuno.

Dadkan ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa raashiinka waqtigan oo Soomaaliya ay xaalad adag oo dhanka beni’aadannimada ka jirto.

Fatahaadaha, Ayaxa iyo COVID-19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka tabaaleysan.

In ka badan shan malyuun ayaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee u baahan gar gaarka deg deg ah.

Xigasho: Radio Muqdisho | W/D: Maxamed Maxamuud Dhoore (London)

Leave a Reply