Ciidanka Haramcad Oo Qarax Lagula Eegtay Wadada Muqdisho Iyo Afgooye

 

15-10-2020

 

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa galabta qarax lagula eegtay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Ciidanka Haramcad, ee ilaaliya dhismaha ka socda wadadaasi.

Ma cadda khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxaasi, sidoo kalana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka, oo qaraxaasi la xiriira.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xoogagga Haramcad ay hawlgalo amni xaqiin ah ka sameeyeen nawaaxiga goobtii uu qaraxu ka dhacay.

Muddooyinkii ugu dambeysay waxaa ka soo reyneysay xaaladda amniga wadada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoona ay yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray, tan iyo markii ciidan gaar ah loo xil saaray suggida amniga shaqaalaha dhiseysa wadadaasi. – Universal TV Somali

Leave a Reply