Ciidan Gadoodsan Oo Ka Baxay Xero Ciidan Oo Ku Taalo Dh/mareeb & Khilaaf Soo Shaac Baxay

 

15-10-2020

 

Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Glmudug oo xalay ka gadooday xero ay ku jireen oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay maanta gaareen Degmada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo sida la sheegay wata shan gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa waxaa la sheegay in uu gadoodkooda salka ku haayo khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi & Xildhibaanada laga soo doorto Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ka gadooday xero ay ku sugnaayeen oo ku taalal Magaalada Dhusamareeb ayaa waxaa ay kamid ahaayeen Maleeshiyo Beeleedyadii horay ugu sugnaa Magaalada Gaalkacyo, balse Wasaaradda Amniga Galmudug ay tababartay, iyaga oo noqday dufcadii ugu horeeysay ee Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Wararka laga helayo Dagmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ku wajahan yihiin Xildhibaan Yoonis Shaare oo oo katirsan Baarlamaanka Galmudug iyo qaar kamid ah Odayaal Dhaqameedyada Gobolka Mudug si arrintaasi xal looga gaaro. – Shaaciye News

Leave a Reply